(KAAB TV) -Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii laso dhaafay howlgalo ka dhan Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhaca jiinka Wabiga Shebeelle ee gobolka Hiiraan.
Howlgaladaan ayaa ka dhacay deenaano dhowr ah oo hoostaga magaalooyinka Halgan iyo Buula burte oo todobaadyadii lasoo dhaafay dagaalo culus ku dhexmareen Al-shabaab iyo ciidamada iskaashanaya.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Taliye Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in hawlgallada laga gaaray guulo wax ku ool ah, islamarkaana haatan ay socdaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga goobahii laga xureeyay kooxda.
Taliyaha ayaa sido kale sheegay iney ka go’an tahay sii wadida howlgalada ka dhanka ah Shabaab inta laga saarayo kooxda Al-shabaab guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.
Ugu dambeyntii Taliye Sahal Cabdullaahi ayaa sidoo kale boggaadiyay guulaha ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ka gaareen howlgalada ka dhanka Daacishta ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii laso dhaafay howlgalo ka dhan Al-shabaab ka sameeyay deegaano dhaca jiinka Wabiga Shebeelle ee gobolka Hiiraan.