SO | EN

SO | EN

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Puntland

|

GARAWE(KAAB TV) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Isniintii shalay duqeyn cirka ah ku beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku sugan Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlgallada kooxda argagixisada ah

 

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 70-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland. Howlgalka ayaa weli socda, waxaana socda qiimeyn lagu ogaanayo inta uu la’eg yahay khasaaraha soo gaaray maleeshiyaatka dowlada iyo sidoo kale dhameystirka ujeedooyinka howlgalka.

Ujeedka koowaad ee duqeyntan ayaa ah in la taageero ciidamada Puntland oo olole ugu jira sidii maleeshiyada Daacish looga sifeyn lahaa deegaanada maamulkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay wadashaqeynta xooggan ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu nabadeynayo iyo xasilloonida Soomaaliya iyo deegaannada ku xeeran.

May be an illustration of text

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News