Muqdisho (KAAB TV) – Taliska ciidanka Mareykanka Africa ee looyaqaano Africom ayaa sheegay iney 15-kii bishan ay duqeyn kafuliyeen meel udhow jilib taas oo lasheegay in lagu laayay dhakhaatiir kuubaan ah oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, dhinaca kooxda Al-Shabaab war kasoo baxay ayaa isna lagu sheegay in duqeyn magaalada Jilib meel udhow kadhacday lagu dilay dhakhaatiir kuubaan oo u afduubnaa Al-Shabaab duqeynta ayaana waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Dhanka kale, Taliska Africom qoraalka kasoo baxay ayaa waxa uu intaas kudarayaa iney jirto duqeyn ay kafuliyeen meel udhow Jilib ayna maqleen in duqeyntaas ay kudhinteen dhakhaatiir udhalatay dalka Kuuba, balse aysan wax cadeyn ah aysan uheynin dhimashada dhakhaatiirta kuubaanka ah.
Dhakhaatiirta lagu laayay duqeynta ayaa waxa ay Al-Shabaab magacyadooda kusheegeen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo udhashay labaduba dalka Kuuba, balse ilaa haatan wax cadeyn ah sooma bandhigin Al-Shabaab.
Taliska Africom ee Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arrintaasi ay baaritaan kusameyn doonaan, hadii ay jiraan dad rayid ah oo kudhinta duqeyntaas oo bartilmaameedkeedu ahaa Al-Shabaab.
ugudambeyn, Al-Shabaab ayaa bishii April ee sanadkii 2019-kii waxa ay magaalada Mandheer ee dalka Kenya kasoo afduubteen dhakhaatiirtan udhalatay dalka Kuuba kuwaas oo ay magacyadooda kusheegeen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, iyadoona maalin kahor ay sheegeen in labadaasi dhakhtar ugu dambeyntii uu Mareynka duqeyn kadhacday Jilib uu kudilay 15-kii bishaan.