HARGEYSA (KAAB TV) – Ciidanka sirdoonka maamulka Soomaaliland ayaa magaalada Hargeysa kuqabtay nin ay sheegeen in uu katirsanyahay ciidanka SSC Khaatumo oo dagaal xooggan kula galay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Nabad Sugida maamulka Soomaaliland ayaa lagu xaqiijiyay in ay gacanta kusoo dhigeen Cawil Daarood Yuusuf oo in muddo ahba ay kuraad joogeen sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay taliska ciidanka Nabad Sugida maamulka Soomaaliland.
Dhanka kale, Sirdoonka Soomaaliland ayaa Cawil Daarood Yuusuf ku eedeysay in uu kamid ahaa ciidankii Soomaaliland kula dagaallamay magaalada Laascaanood waxa ay sidoo kale, sheegeen in Cawil Daarood Yuusuf uu si anshaxa maxaabiista kabaxsan uu ula dhaqmay maxaabiis Soomaaliland looga qabtay dagaalkii Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Cawil Daarood Yuusuf ayaa lasheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Hargeysa waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawiro isaga oo wata dharka ciidanka qeybna ka ahaa ciidanka Khaatumo.
Ugudambeyn, Dagaalladii xoogganaa ee kadhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay isku fara saareen ciidanka Khaatumo iyo ciidank Soomaaliland ayaa waxaa lagu kala qabsaday maxaabiis tira badan oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah oo Soomaaliland looga qabsaday dagaalka Laascaanood.