Muqdisho (Kaab TV) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo ku aadan ciidanka Asluubta iyo Saraakiishooda ey sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laabtaan shaqadooda iyo kuwa fasaxa ku maqanba.
Waxaa dhamaaday waqtigii an siinay aniga oo kuhadlaya afka ciidanka Asluubta waxan ugu dareynaa dadkaas shan maalmood oo dheeri ah ninkii ku imaan waayo shantaas maalin kama tirsana ciidanka Asluubta.
Saraakiisha iyo madaxda hoggaanka waxan farayaa hadii eysan fulinin amarkan in ey iyaga dib ugu soo laaban doonto arrintan.
Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa tan iyo dib umagacaabistiisa dib uhabeyn kuwada ciidanka Asluubta wuxuuna xusay in marnaba ciidanka asluubta dhexdiisa aan laga aqbali doonin dad xashiishka caba oo daroogiiste ah.
Ciidanka Asluubta ayaa dhawaan lagu eedeeyay in dadka xabsiga dhexe kuxiran ey ka iibsadaan qoraxda eyna lacago baad ah kaqaatan dadka soo booqanaya eheladooda kuxiran xasbiga dhexe.