Taliyaha ciidanka dhulka Dayax Cabdi Cabdulle oo kulamo laqaatay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo kusugan halkaasi

|

Ceeldheer (KAAB TV) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle, oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo masuuliyiinta iyo saraakiisha ku sugan degmadaasi.

Sidoo kale, Jeneraal Dayax iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa si deg deg ah u gaaray degmada Ceeldheer oo maalmo kahor kooxda Al Shabaab ku qaadeen weerar khasaaro badan dhaliyay.

Dhanka kale, Taliyaha ciidanka dhulka ayaana kulamo la qaatay wasiirro iyio masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug iyo kan degmada, waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda.

Waxa uuna taliyaha kala hadlay masuuliyiinta iyo saraakiisha uu la kulmay sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxda Al Shabaab, sidoo kale ciidamada u qaadi lahaayeen howlgallo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Ceeldheer aageeda.

Ugudambeyn, Taliyaha ayaan mar kale ku ammaanay ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda sidii ay isaga difaaceen weerarkii kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Al Shabaab weerarkaasi jab xooggan uu kasoo gaaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News