SO | EN

SO | EN

Taliyaha ciidanka dhulka oo booqday deegaanka Bariire oo As laga saraay dhawaan

|

Bariire (KAAB TV) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka saareen Al-shabaab.

Sidoo kale, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii Al-shabaab laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad iyo hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo laga qabsaday.

Dhanka kale, Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda ammniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Sikastaba, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay ciidanka howlgalka fuliyey, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News