SO | EN

SO | EN

Taliyaha ciidanka difaaca Puntland oo sheegay in Daacish oo afjarayaan kahor intan lagaarin Ciidda

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Ciidamada difaaca Puntland, oo wali ko howlan soo afjarida firxadka kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, ayaa waxa ay gacan ku heyntooda lawareegeen deegaano badan oo kooxda Daacish horey ugu sugnaan jirtay.

Sidoo kale, Hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Maxamed Aadan Jaamac (Degelle), ayaa sheegay in hadda meel wannaagsan uu marayo howlgallka ciribta tirka Daacish, waxa uuna xusay in ciidamada howlgalkii ugu dambeeyay guulo ka gaareen.

“Hawlgalkii Hillaac ee Taliska guud uu qorsheeyay in lagu qaado ceelka Miiraale oo ah meeshii u danbaysay ee ay ku sii harsan yihiin firxadka argagixisada Daacish, waxa hawlgalkaasi u fulay dhammaan sidii loo qorsheeyay, ilaah baa mahadleh, dhammaan qorshe kasta oo la diyaariyay waa fulay.” ayuu yiri taliye Degelle.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada Puntland burvuriyeen dhammaan difaacyadii kooxda Dacaish ee Ceelka Miraale, waxa uuna xusay in halkaasi ciidamada ku dileen dagaallamayaal badan, isagoona sheegay in ciidamada si buuxda ula wareegeen aagga howlgalka ka dhacay.

” Waxaa la burburiyay dhammaan difaacyadii ilaalada ee ku meersanaa ceelka Miiraale waxaana halkaasi ciidamadu ku dileen in ka badan 35 dagaallame oo ka tirsanaa argagixisada kaddibna waxaan kala wareegnay dhammaan Talisyadii ku wareegsanaa waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada difaaca dowladda Puntland” ayuu yiri S/Guuto Maxamed Degelle.

Taliyaha howlgalinta ciidamada difaaca Puntland, ayaan caddeeyay in hadda meel gebo-gebo ah marayo howlgalka wajiga saddexaad, ayna rejo badan ka qabaan in howlgalka soo afjaraan kahor inta aan la gaarin ciidda oo hadda ka harsan tahay ilaa toban maalin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News