SO | EN

SO | EN

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda

|

Kigali (Kaab TV) –Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka Difaaca Rwanda (RDF) ee Kimihurura.

Booqashada Taliyaha, oo qeyb ka ah safar shaqo, ayaa looga gol leeyahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhanka difaaca ee u dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray booqashada, Taliyaha ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Rwanda, Mudane Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General M.K. Mubarakh

Waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta difaaca ee labada dal.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News