SO | EN

SO | EN

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerooyinka ciidamada

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer shaqo  ku tagay  Xerooyinka  General Daa’uud iyo Xerada tababarka Gen dhegaBadan ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka   Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhagabadan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa

Ciidanka ayuu ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku kula dardaarmay inay gacan adag kula dagaallamaan Al-shabaab.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka al-shabaab looga xoreynayo guud ahaan dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News