Ceel qaboobe (Kaab TV)– Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in howl-galkii Ceel-qaboobe lagu dilay ajaaniib katirsaneyd Al-Shabaab halka kuwa kalana nolasha ey kuhayaan ciidanka xoogga.
Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu howl-galka uu dhacaayay ey kooxdu ladageysay hub iyo agab kale ey rabeen in ey ummadda ku dhibaateeyaan wuxuu intaasi kudaray in ey gubeen gaari ween oo ey ka buuxeen waxyaabaha qarxa.
Taliyaha ayaa sheegay raga ladilay iyo kuwa laqabtay ee ajaaniibta ahaa xiligaasi ey kuhowlanaayeen dejinta hubka ey doomaha kala dagaayeen kooxda.
Hasayeeshee Howl-galkaan uu sheegay in taliyaha ciidanka xoogga ay ku dileen xubno ajaanib ah oo ka dhinac dagaalamayay kooxda ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.