Taliyaha cusub ee AFRICOM oo dib u qiimeyn ku sameynaya doorka Mareykanka ee Soomaaliya

|

WASHINGTON (Kaab TV) –Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa u xaqiijiyay General Dagvin Anderson inuu yahay taliyaha cusub ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), taasoo noqoneysa markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada cirka uu hogaamiyo taliska militariga tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2007-dii.

Hadal uu jeediyay kadib xaqiijintiisa, Gen. Anderson wuxuu sheegay inuu dib u qiimeyn doono in ku lug lahaanshaha AFRICOM ee Soomaaliya ay tahay inay mudnaanta siiso dowladda Federaalka ama dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Isagoo caddeeyay in taageerada Mareykanka ee la-dagaalanka argigixisada ee Soomaaliya ay sii socon doonto, Anderson waxa uu tilmaamay in nooca taageeradaas ay isbedeli karto. “Al-Shabaab waxay weli khatar ku tahay danaha Mareykanka iyo xasilloonida gobolka,” ayuu u sheegay xildhibaannada. ” Joogitaankayagu waxa uu keenay xoogaa guul ah xagga tababarka, laakiin gobolku weli wuu kacsan yahay.”

Taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa sidoo kale ka digay in la kordhiyo iskaashiga u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen – horumarkaas oo uu sheegay in uu keeni karo khatar sii kordheysa oo ku wajahan marinnada maraakiibta caalamiga ah ee mara Badda Cas. “Xuuthiyiinta, oo ay taageerto Iran, waxaa laga yaabaa inay bixiyaan rabitaanka iyo habka Al-Shabaab si ay u qaadaan weeraro awood leh,” ayuu raaciyay.

Todobaadkii lasoo dhaafay AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee koonfurta Soomaaliya. Maraykanku wuxuu sii wadaa inuu taageero dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah iyo horumarinta xasilloonida, heer federaal iyo heer gobol.
Isbadalka hogaanka AFRICOM ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in isbedel lagu sameeyay kaalmada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Horaantii sanadkan, wasiirka maaliyadda Soomaaliya waxa ay sheegtay in Washington ay joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka ee Danab.

Si kastaba ha ahaatee, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa markii dambe iska fogeysay sheegashadaas, iyadoo sheegtay in caawinta labada Danab iyo howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu weli jiro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News