SO | EN

SO | EN

Taliyaha cusub ee saldhiga degmada Jowhar oo dhawaan loo magacaabay oo gaaray magaalada Jowhar{sawirro}

|

JOWHAR(KAAB TV) –Taliyaha cusub ee saldhiga degmada Jowhar Dhamme C/fitaax Arwaax Aadan oo dhawaan loo magacaabay taliyaha ciidamada booliska dowladda Hirshabeelle Jeneraal Xasan Dhicisoow Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha cusub ee saldhiga C/fitaax Arwaax oo ay ka go’an tahay u adeegida shacabka caasimada ayaa horay u booqday taliyaha saldhiga booliska magaalada Jowhar oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu warbixino ku saabsan howlaha saldhiga iyo amniga caasimadda ka dhageystay saraakiisha ciidamada Booliska magaalada.

Ugu dambeyn Taliye C/fitaax Arwaax oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, isagoo sheegay inuu xoojin doono wada shaqeynta bulshada iyo Booliska.

May be an image of 7 people and text

May be an image of 5 people and text

May be an image of 9 people

May be an image of 9 people

May be an image of 9 people and text

May be an image of 1 person and text

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News