SO | EN

SO | EN

Taliyaha hay’adda Sirdoonka Sanbaloolshe & madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Alkowsar

|

Hiiraan (KAAB TV) – Taliyaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, ganacsade Liibaan Ahmed Xasan iyo saraakiil ayaa gaaray goobihii saaka lagu dagaalamay gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintan ayaa warbixino ka dhegeystay saraakiisha hoggaamineysay dagaaladii saaka ka dhacay degaanada Alkowsar iyo cadow Gurey oo lagu laayey Alshabaabkii ugu badnaa

Sidoo kale, Sanbaloolshe iyo dabageed ayaa la sheegay iney halkaas u tageen xoojinta abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab iyo dhiirgelinta ciidamada.

Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerartay deegaannada Alkowsar iyo Cadow Gurey, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo dagaal culus uu ka dhacay.

Aroornimadii hore ee maanta, kooxda Al-Shabaab oo iska soo hormarisay laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ku qaaday deegaanka Cadow Gurey, oo saldhig u ah ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala inta u dhexeysa degmooyinka Halgan iyo Buuloburde.

kCiidanka Hay’adda Nisa iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war ay soo saareen ku shaaciyey iney fuliyeen duqeyn lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo dagaalyahano a tirsanaa Al-shabaabkii saaka soo weeraray degaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News