MUQDISHO (Kaab TV) –Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, General Claude Tudor Jr, ayaa booqday magaalada Kismaayo, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si ay uga wada hadlaan hawlgallada millatari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay iskaashiga u dhexeeya ciidamada ammaanka Jubaland iyo saraakiisha millatari ee Mareykanka, taasoo qayb ka ah qorsheyaal ballaaran oo lagu taageerayo xasilloonida iyo horumarinta amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Jubbaland.
Bayaanka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni, dardar-gelinta wada-shaqeynta dagaalka ka dhanka ah Alshabab, iyo taageeridda hawlgallada si loo hubiyo xasilloonida deegaanada Jubaland.
Booqashadan ayaa imaaaneysa iyadoo ciidanka AFRICOM dhawaan duqeyn cirka ah ka fuliyay agagaarka Harbole, qiyaastii 75 km waqooyi-galbeed ka xiga Kismaayo, taasoo lagu beegsanayay kooxaha Al-Shabaab si loo daciifiyo awoodooda loona yareeyo weerarada ka dhanka ah shacabka iyo xarumaha amniga.
Wadahadallada waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cisman, waxaana la filayaa in qorshayaasha iskaashiga ay ka mid noqdaan tababaro iyo taageero farsamo oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada gudaha ee Jubaland.

