SO | EN

SO | EN

Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya oo sheegay in ay diyaar u yihin in ay gaaraan Badda Cas”

|

Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya, Janaraal Bulti Tadesse oo la hadlay Ciidamo tababar loosoo xiray ayaa sheegay in Dalkiisa ay ka go’an tahay sidii u gaari lahaa Badda Cas isla markaana uga mid noqon lahaayeen awoodaha baratamaya.

Bulti ayaa sheegay in dadkiisa looga baahan yahay in ay is diyaariyaan si haddii loogu guuldaraysto nabad iyo is faham ku gaarista badda cas loo adeegsado awoodda aan laga maarmin sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan diyaar u nahay Maskax iyo nafsad ahaan in aan gaarno Badda Cas, Hannaan diblumaasi, Nabad iyo Is faham waa ujeedkeenna, haddii loo baahdo in aan fulino amarka Dowladdeenna Mustaqbalka iyanna waa halkeeda” Sidaasi waxaa yiri Janaraal Bulti Tadesse oo ah Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya.

Horay sidaan oo kale waxaa horraantii bishaan September hadal kan lamid ah shaaciyay General Teshome Gemechu oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Military ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Addis -Ababa (Kaab TV) -Eretareeya ayaa qudheeda sheegtay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay doonayso sidii ay u qabsan lahayd Dekedda Casab, sidoo kale Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa tilmaamay in sidoo kale Itoobiya ay doonayso in ay qabsato qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News