SO | EN

SO | EN

Taliyaha Militeriga ku dagaalamay Baraawe oo Wareysi bixiyay

|

Baraawe (Kaab TV) – Taliyaha ciidanka militeriga ah ee jooga degmada Baraawe oo baryihii lasoo dhaafay halkaas kula dagaalamay ciidanka ilaalada madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe ayaa ka warbixiyey sidii uu ku bilowday dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay, oo ah taliyaha ururka 25-aad, guutada lixaad-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya, ayey reer K/Galbeed ku eedeeyeen in isagu uu hoggaaminayey dagaalka.

Balse, Korneyl Xorogaay ayaa beeniyey eedeyntaas isagoo sheegay in taliska uu ka maqnaa markii uu dagaalku bilowday, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey sidii uu dagaalku ku bilowday.

Isagoo sheegay, in dagaalka dhan uu ka bilowday gabar ay Qaad ka qaateen ciidanka K/Galbeed, kadibna ay lacagtii qaadka eydiideen in ey siiyaan, taas oo sababtay in ciidanku ay murmaan.

wuxuu yiri “ciidanka ilaaliya madaxtooyada Baraawe ee K/Galbeed ay dagaal ku soo qaadeen militeriga, isla markaana ay ka dileen 3-sarkaal iyo hal sarkaal xigeen, halka afar askari oo kalena ay uga dhaawacmeen dagaalkii dhacay” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Milateriga Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay.

“Markii dagaalkaas uu bilaabanayey waxaan ku maqnaa xaafadeyda, isla markaana aan ka war helay rasaasta bilaabatay, markaas kadibna ayaan soo gaaray goobta” ayuu yiri Taliyaha.

“Kaligey ayaa dhex istaagay muddo saacado ah ayaan ku howlanaa in dagaalkaas aan joojiyo, ugu dambeyntiina waxaan ku guuleystay habeenkii hal saac, ciidankeyga waxaan ku amray in xabad dambe aysan ridin, balse ciidanka K/Galbeed in muddo ah ayey dhankooda kaliya xabaddu ka soo dhaceysay,” ayuu yiri Taliye Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xorogaay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News