MUQDISHO(KAABTV)- C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa Talaadadii ku dhawaaqay isbedelo dhinaca hoggaanka ah oo lagu sameeyay Gobolka Banaadir. Sanbaloolshe ayaa xilkii ka qaaday Muxidiin Warbac oo ahaa taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir. Waxa uu xilkaas u magacaabay C/fitaax Ibraahim Shaaweeye oo horay u ahaa ku xigeenkii NISA. Sanbaloolshe ayaa sidoo kale Warbac u magacaabay inuu noqdo kaaliyaha dhanka amniga ee NISA isagoo Cabdulqaadir Xaayow u magacaabay taliyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Isbedelka hoggaanka ayaa imaanaya iyadoo Sanbaloolshe uu bilaabay markii saddexaad ee xilka agaasimaha NISA.