MUQDISHO (Kaab TV) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo la socday ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii la weysanaa tan iyo Arbacadii, kadib markii Al-Shabaab ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal.
Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa u sheegay Kaab TV in Jeneraal Odowaa uu si toos ah ugu tegay Villa Somalia, isagoo ay wehlinayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Col. Xasan Cali Nuur (Col. Shuute), si ay fariin muhiim ah ugu gudbiyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Intii aanay imaan Muqdisho, Jeneraal Odowaa iyo saraakiisha la socotay ayaa la kulmay ciidan beeleedyo ku sugan deegaanka Moqori, kadibna waxay u sii gudbeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Jeneraal Odowaa aad uga walaacsan yahay guuldarrooyinkii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda, wuxuuna la wadaagi doonaa walaacyadiisa Madaxweynaha.
Dhinaca kale, ciidamadii beelaha ayaa isaga baxay Moqori, oo ahayd halkii ugu dambeysay ee laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale maanta gelinkii hore ayaa lasoo weriyay in ciidamo beeleedyadii ku sugnaa Shabeellaha Dhexe ay u carareen dhanka Galmudug.