SO | EN

SO | EN

Taliye Odowaa Yuusuf Ragge oo fariin Hambalyo iyo bogaadin isugu jirto udiray ciidanka xoogga

|

Aadan Yabaal (KAAB TV) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa hambalyo ku aadan aas aas-ka ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April, kasoo diray furimaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale, taliye Odowaa ayaa hambalyada uwada diray dhamaan ciidanka xoogga dalka sarakiishooda, saraakiil xigeenanadooda, dableyda iyo qoysaskooda, taas oo ku aadan 65sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guud ahaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii ciidanka Xoogga dalka, waxaan runtii aad iyo aad ugu hambalyeynayaa, uguna boggaadinayaa ciidamada maalintooda gaarka ah, iyaga qoysaskooda, waxaan leeyahay hambalyo”.

Dhanka kale, taliyaha ayaa sidoo kale, waxa uu sheegay in uu haatan dagaalka Alshabaab uu maraayo meel gebogebo ah, isagoona ciidanka ugu baaqay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

“Runtii argagixisadu waa naf la-caari waxay marayaan meel gabogabo ah waxaan rabaa xubin kasta oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed dadaalkeeda iyo waqtigeeda inay laba jibaarto, sii adkeyso la dagaallanka argagixisada” ayuu raaciyay.

Waxa uu sidoo kale, taliye Odowaa uu hambalyo udiray dhamaan ciidamada deegaanka ee Macwiisleyda ee ka garab dagaalama ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo qeyb ka qaatay deegaano badan oo Alshabaab gacantooda laga saaray oo hadda gacanta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka kujiro.

”Waxa aan halkan uga mahadcelinayaa ciidamada difaaca deegaanka doorka naf-hurka ah ee u hurteen naftiina dalka iyo sharafteenna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliye Odowaa.

Ugudambeyntii, taliye Odowaa ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan halganka dib uxoreynta ee dalka ka socdo, isagoona shacabka ka codsaday in hiil iyo hooba lagarab istaagaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka dagaalka adag kula jiro kooxda Alshabaab,

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News