Taliye Sare oo ka tirsan Booliska Jubaland oo Lagu Dilay dagaal Ka Dhacay Tuulo Amiin ee Gobolka Gedo

|

Beledxaawo (KAAB TV) –Taliye sare oo ka tirsan booliska Jubaland ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay Dagaal culus oo aroornimadii maanta oo Isniin ah ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla tuulada Tuulo Amiin ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka iyo saraakiil amni.

Weerarka oo loo arkay mid si fiican loo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Abdirashiid Janan, taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo.

Colonel Xuseen Giif, taliyihii booliska Jubaland ee gobolka Gedo, ayaa lagu dilay dagaalka, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo kala duwan, Maamulka Jubaland weli si rasmi ah ugama hadlin dhimashada taliyaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ay jiraan askar ka tirsan Jubaland oo ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka, iyadoo ciidamadii weerarka qaaday ay la wareegeen hub iyo gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga waxaana ay soo bandhigeen ciidamo nolosha ay ku qabteen.

Weerarkan ayaa muujinaya xiisadda weli ka taagan gobolka Gedo ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, iyadoo Jubaland ay weli sheeganayso madax-bannaani ku aaddan maamulka gobolkaas taasoo qeyb ka ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo.

Dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah ilaa hadda ku saabsan howlgalka, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeri ah laga bixiyo saacadaha soo socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News