Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Tallaabo ay qaaday DF oo meesha ka saareysa dhaqaale ay ka heli jirtay Kenya

|

Muqdisho(Kaab TV) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ay hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa horumarinta ku faraysay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guuraan dalka Kenya.

Amarkan oo kasoo baxay wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa waxa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dakhliga dalka iyo arrimaha shaqo abuurka.

Go’aankan oo faa’iido badan u leh Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu meesha ka saaraya dakhligii faraha badna ee hay’adahan gelin jireen dalka Kenya.

Hay’adahan ayaa intooda badan hadda degan Kenya, waxaana muddooyinkii dambe faa’iido badan ku qabay dalkaasi, haday noqoto madaxda iyo shaqaalaha ay qaadanayaan iyo haddii ay noqoto kharashka ay bixinayaan.

Marka ay hay’adahaan usoo guuraan dalka waxay kusoo kordhinayaan dhakhliga ay ku kireystaan gaadiidka, guryaha, agabka ay iibsadaan, cuntada iyo dhamaan tas-hiilaadka kale oo ay xitaa isgaarsiinta kamid tahay.

Fa’iidada kale ee arrintaan ay leedahay ayaa waxaa kamid ah in gudaha dalka ay ka qabsoomaan siminaarada, shirarka, aqoon isweydaarsiyada, daraasadaha iyo dhamaan howlaha kale, kuwaasi oo kasoo xaroonaya dakhli gudaha ah.

War-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu “inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News