SO | EN

SO | EN

Tallaabo ay qaaday DF oo xiisad cusub ka abuurtay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV)– Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan Guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska.

Maxkamadda ayaa Booliska gobolka Banaadir ku amartay in dadka laga saaro dhulkaasi oo dan guud, kuna yaalla xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Ciidamada Booliska oo fulinaya amarka maxkamadda ayaa burburin ku bilaabay xaafadaas, waxaana la arkayay alaab dhulka daadsan iyo dadweyne qaylo dhaaminaya.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan iyo hadal heyn, waxaana kamid ah dadka falceiyay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo si weyn u dhaliilay dowladda federaalka.

“Dowladda waxay soo saartay amar ah in shacab dhan 3,200 (SADDEX KUN IYO LABBO BOQOL) oo qoys oo reer Buulo xuubeey ah si awood ah looga saarayo dhulka ay dagganyihiin. Dhulka ayaa ka billaabanaya Darbiga Hotel Jazeera gaar ahaan gurigii uu daganaa Hoggaamiyihii weynaa AUN Maxamed Qanyare Afrax, kuna tagaya biyo-dageenka Buulo xuubeeym” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray siyaasiga Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo kula taliyay inuu ka leexdo waddada dhul boobka, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi ahaan waxaan ku jiray dad badan oo aaminsanaa in maamulka Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka leexan doono waddadii hore loogu bartay ee boobka dhulka hantida guud ahaa. Madaxweyne sharaftaada ilaasho iyo in magacaaga dalka lagu boobo iska diid shacabkana haloo turo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga G/ Banaadir Cali yare Cali.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Sidii horay u dhacdayba dadka ka baxso dabaqna ka dhiso waxaa laga dhaxlay natiijadii  Arbacadii, 08- February 2017.”

Dhulkaan ayaa lasoo warinaayaa in loo baneenaayo xaasaska madxaweynaha mid kamid ah iyo ganacsato kale oo doonayaan in ay maalgashtaan.

sidaan oo kale waxaa aad loo xasuutaa sanadkii 2013-dii dad shacab ah xoog looga saaray dhulkii jaayga ahaa ee garoonka diyaaradaha ee (Aadan cade) si ay Dowladu ugu isticmaasho dan guud balse ma aysan dhicin waxaa dhulkaasi qeebsaday masuuliyiin katirsan dowlada isla xiligaasna waxaa madaxweyne ka ahaa Xasan sheekh maxamuud.

Balse dadka dhulkan laga barakiciyay ayaa is weydiinaaya cida qaadan doonto dhulkan iyo sidoo kale waxa lagu qawan doono iyadoo Xasan sheekh iyo saaxibadiisa lagu eedeenayo dhul boobka uma soomaaliyyed.

Hoos ka Daawo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News