MUQDISHO (KAAB TV) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday isbeddel istiraatiiji ah oo lagula tacaalayo saameynta ba’an ee ay cimiladu ay ku keentay nolol maalmeedka dadweynaha, dadka barakaca, sinnaan la’aanta bulshada, iyo amniga Soomaaliya, iyadoo dalka oo ku yaalla Bariga Afrika uu noqday midka ugu daran ee ay dhibaatooyinkan ka dhacaan.
Isagoo ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Arrimaha Bini’aadantinimada ee Soomaaliya, George Conway, ayaa adkeeyey baahida degdega ah ee loo qabo in la kordhiyo maalgashiga ku aaddan la qabsiga isbedelka cimilada iyo adkeynta bulshooyinka si loo badbaadiyo nolosha iyo habnololeedka malaayiin qof.
“Sanadkii 2023 wuxuu ku bilowday abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo martay in ka badan 50 sano, taasoo saameysay malaayiin qof, waxaana uu ku dhammaaday fatahaadihii ugu xumaa ee qarni ka dhaca,” ayuu yiri Conway.
In kabadan labo meelood saddex meel dadweynaha Soomaaliyeed waxay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha si ay u helaan dakhligooda, taasoo ka dhigaysa dalka mid aad ugu nugul isbedelka cimilada. Abaarteedii 2022, oo ahayd middii ugu darneyd ee muddo 40 sano ah, waxaa cilmibaarayaal sheegeen in 100 jeer ka badan ay suurto galisay cimilada isbedeshay ee ay dadku sababaan.
“Gargaarka bini’aadantinimo waa mid muhiim ah oo badbaadiya nolosha, laakiin haddii aan la sameyn maalgashi ku saabsan la qabsiga iyo dhisida adkeysiga, halista iyo nuglaanta joogtada ah ee dalka way sii kordhi doontaa,” ayuu Conway ku digay.
Gobolada Koonfur-galbeed ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatooyinkan saameeyeen, halkaasoo maamulada maxalliga ah ay bishii Luulyo ugu baaqeen in si degdeg ah wax looga qabto xaaladdan. Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa ka walaacay baahida weyn ee haysata dadka gobolkaas, oo mar ahaan jiray bakhaarkii cunto ee Soomaaliya.
“Gobolada Koonfur-galbeed, dadka waxay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha, laakiin hadda waxay la kulmeen dhibaato isku dhafan oo ah iskahorimaad iyo isbedelka cimilada,” ayuu yiri Madaxweynaha Lafta-gareen shir jaraa’id oo uu qabtay.
Maamullada maxalliga ah waxay garwaaqsadeen in aysan awoodin inay kaligood wax ka qabtaan arrintan, waxaana ay ku baaqeen taageero laga helo dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan warbaahinta, bulshada caalamka, iyo waddamada horumaray. Waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay caddaaladda cimilada si taageero cadaalad ah loo siiyo bulshooyinka ugu saameynta badan.
“Waxaan hore ugu tiirsanaan jirnay saddex xilli-beereed: roobka Gu’ga oo bilaabanaya Abriil 12, Deyrta, iyo xilliga qallalan. Laakiin hadda, xitaa xilliga roobka, dalagyadu ma badbaadaan sababo la xiriira isbedelka cimilada. Tani waa wax cusub oo nagu cusub,” ayuu sharaxay Madaxweynaha Lafta-gareen.
“Bulshadeenna iyo beeralayda waxay u baahan yihiin wacyi-gelin iyo aqoon si ay ula qabsadaan caqabadahan cusub,” ayuu ku daray.