MOGADISHU (KAAB TV) –Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa galabta ka furmaya Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho iyada oo lagu daah-furayo Degmooyinka Kaaraan vs Dharkaynley, waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin katirsan Dowladda iyo bahda Cayaaraha.
Kulanka Daah-furka waxaa ka horrayn doonna hadal jeedinta mas’uuliyiinta iyada oo lagu soo beegay maanta oo jimco ah maadaama inta badan Dadku ay ka nasanayaan Goobaha Waxbarashada iyo Shaqada.
Kaaraan iyo Dharkaynlay ayaa isku qaanad ku jira waa Guruubka A waxaana marka la daah-furo kulankaan galabta kaddib si toos ah maalin weliba loo dheeli doonnaa kulamada kale ee is aragga ah ilaa kasoo dhammaado guud ahaan tartankaan.
Taageerayaasha Kooxaha Degmooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka isla markaana ka fogaadaan wax weliba oo dhibaato ku noqon kara in ciyaaruhu u qabsoomaan si habsami ah.
Waxa ay Dowladdu diyaarisay Ciidamo Booliis ah gaar ahaan kuwa loogu talagalay kahortagga rabshada si ay uga hortagaan taageerayaasha mararka qaar isku daya in ay gudaha u galaan xeendaabka Garoonka ee Ciyaartoyda ku cayaarayaan.

