Muqdisho (KAAB TV) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax khasaare u gaystay dad rayid ah oo ka dhacay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho xalay oo Isniin ahayd.
Qaraxa ayaa haleelay mooto Bajaaj iyo gaari kuwo dadwaynaha (mini bus) oo marayay isgoyska SOS degmad Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku geeriyootay oo shacab ahaa tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ahaa mid la dhigay dhul dhinaceeda sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.
War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari iyo mooto dad shacab ah la socdeen, xilli ay marayeen isgooska SOS ee degmada Huriwaa.
Booliiska ayaana xaqiijiyay in qaraxa ku dhinteen shan qof oo shacab ah, waxa ayna intaa ku dareen in qaraxa ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, kuwaa oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo culus.
Xilliga qaraxa oo aad u xoogganaa uu dhacayay ayaa waxaa waddada marayey.
Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.