SO | EN

Tirinta codadka doorashada Turkiga oo bilowday iyo sida musharaxiintu u kala horeeyaan

|

Ankara (Kaab TV)– Waxaa socoda tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa kadib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo weli waxaa dhiman codad aad u badan kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada.

Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan Turkiga taariikhdooda casriga ah waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Wixii kasoo kordha wararka doorashada dalka Turkiga kala soco

Kaab Soomaali TV.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News