Janaale (Kaab TV) -Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic ey maanta tuureen ciidamada ATMITS oo kudhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaas oo geystay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.
Waxaa kudhintay 1 qof halka ay 5 kale ay ku dhaawacmeen sida ey inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Gudoomiyaha maamulka deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay falkaasi, wuxuuna sheegay in madfac laga dhex tuuray xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika (ATMIS).
Janaanle ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado madaafiic oo ay is weydaarsadaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaankaas oo hoostaga Shabeelaha Hoose.