SO | EN

SO | EN

Tiro Hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay xaafado ku dhow Villa Somalia

|

Muqdisho (KAAB TV) – Tiro hoobiyaal ah, ayaa goordhaw lagu soo tuuray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna hoobiyaasha qaar ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Villa Soomaaliya, kuwaa oo lasoo sheegayo in ay dhaliyeen khasaarooyin kala duwan.

Sidoo kale, qaar kamid ah hoobiyaasha ayaa ku dhacay xaafado katirsan degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo sidoo kale Shibis, waxaana lasoo sheegayaa in hoobiyaashaasi qaarkood sababeen dhaawacyada dad shacab ah.

Dhanka kale, Lama oga ilaa hadda in hoobiyaasha lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya oo qaarkood ku dhacay aagga madaxtooyada, waxaana hoobiyaashan oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho abuureen cabsi xooggan oo shacabka lasoo daristay.

Kooxda Al Shabaab, ayaa marar badan hoobiyaal kusoo garaacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, madaafiicdaasi ayaana waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo guryahooda ugu tageen.

Sikastaba,madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbuucyo kahor oo sidan oo kale magaalada loogu soo tuuray hoobiyaal, waxa uu farriin hanjabad ah u diray saraakiil ciidan iyo maamulada degmooyinka laga soo tuuro hoobiyaasha, lamana oga tallaabada uu hadda qaadi doono Madaxweynaha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News