Muqdisho (KAAB TV) – Tiro madaafiic ah ayaa lagu soo tuuray garoonka dayuuradaha Aadan cabdulle ee magaalada Muqdisho wax yar ka dib markii uu halkaas ka soo dagay RW Itoobiya & wafdi balalaran oo uu horkacaayey.
Sidoo kale, illaa shan madaafiicda oo hoobiyeyaal ayaa ku dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.
Dhanka kale, macada illaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, hase ahaatee kala carar ayaa ka dhacay gudaha iyo hareeraha garoonka dayuuradaha inkastoo wax yar kaddib ay xaaladu caadi ku soo laabatay.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xitaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya.
Si kastab, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.