MUQDISHO (KAAB TV) – Tobaneeyo ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dagaal dib uga qarxay inta u dhexeysa Cadale iyo Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maleeshiyaadka labo beelood oo ay ka dhexeyso colaad qabiil oo salka ku heysa muran dhul daaqsimeed iyo ceelal biyood ayaa la sheegayaa inay ku dagaalamayaan dhulka miyiga ah.
Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa la gaarsiiyay Balcad iyo Muqdisho Talaadadii.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Cadale, Cumar Cali Bashkax ayaa ku eedeeyay inay jiraan siyaasiyiin hurinaya dagaalka isagoo sheegay in colaadan ay noqotay mid soo noq-noqota, welina aan lo helin xal buuxa.
Odayaal ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna soo saaray baaq deg deg ah oo ay ku dalbanayaan in laga qeybqaato sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya.
Dadka reer miyiga ee ku nool deegaanada ay dirirtu ka socoto ayaa lasoo sheegayaa inay ka qaxayaan, halka maleeshiyaadka dagaalamaya ay helayaan gurmad uga kala imaanaya meelo kala duwan taasoo dagaalka sii dheereyn karta.