SO | EN

SO | EN

Todobo dal oo Afrikaan ah oo Kiev u tagay joojinta dagaalka Ukraine iyo Ruushka

|

Kiev (Kaab TV)– Hoggaamiyaasha todobo dal oo Afrikaan ah ayaa ukuurgalay, in ey ka qeyb qaatan sii loo soo afjari lahaa dagaalka udhexeeya Ukraine iyo Ruushka.

Madaxdan oo ka kala socoto Koonfur Afrika, Masar, Senegal, Kongo-Brazzaville, Comoros, Zambia, iyo Uganda ayaa lafilayaa saacadaha soo socda iney la kulmaya Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, halka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay la rajeynaaayo in ey la kulmaan Sabtida.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in wakhtiga loo qorsheeyey kulamadaas ey dib u dhacaan maadaama ay uu ku soo aaday xilli Ukraine ay qaadayso weerarro ka dhan ah Ruushka, sida ay horay u sheegtay.

Dhanka kale, hogaamiyayaasha Afrika oo gaaray caasimadda Ukraine ee Kiev, si ay ula kulmaan Zelensky, digniinta duullaanka cirka ayaa laga soo saaray magaalada aaggeeda.

Sidoo kale, digniintan ayaa timid kadib markii ciidamada cirka ee Ukraine ay sheegeen in dhowr gantaal oo Kalibr ah oo Ruushku leeyahay laga soo tuuray badda madow, ayna ku wajahanyihiin waqooyiga Kiev.

Olexander Scherba, oo ah diblumaasi u dhashay dalka Ukraine, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Hadda seeriga ayaa dhawaaqay, Putin waxa uu soo dhaweynayaa hogaamiyayaasha Afrika ee Kiev.”

Dhanka kale, Koox ilaalo u ah madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku xayiran diyaarad ku sii jeedda dalka Poland muddo dhowr saacadood ah.

Waxa lagu soo waramayaa in mas’uuliyiintu ay diideen in iyaga iyo saxafiyiinta la socday ay ogolaadaan in ay ka soo degaan diyaaradda, si ay u sii wataan safarkooda Ukraine, halkaas oo wafdi Ramaphosa uu hogaaminayo ee madaxda Afrika ay gaareen.

Diyaardda SAA oo u kiraysneyd 120 qof ayaa la sheegayaa in ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Chopin ee magaalada Warsaw gelinkii dambe ee Khamiista.

Madaxa ilaalada ammaanka ee Ramaphosa, Maj Gen Wally Rhoode ayaa sheegay in dowladda Poland ay xagal daacineyso ammaanka madaxweynaha K/Afrika.

“Dib ayey noo dhigeen, waxayna halis geliyeen nolosha madaxweynaheena. Maxaa yeelay hadda waxaan joogi lahayn Kyiv,” ayuu u sheegay weriyaasha – Masuuliyiinta dalka Poland ayaan ka hadlin eedeyntaas.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News