WASHINTON (Kaab TV) – Madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in Mareykanku u diri doono Ukraine hub casri ah isagoo Russia uga digay canshuur adag haddii aan heshiis lagu gaarin dagaalka Ukraine 50 maalmood gudahood.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in hubkii ugu horreeyay ee casriga ah loo diri doono Ukraine iyada oo loo marayo waddamada NATO, wuxuuna sidoo kale uga digay Ruushka cunaqabateyn dhaqaale oo daran haddii aan la gaarin heshiis nabadeed muddo 50 maalmood gudahood ah.
“Waxaan dooneynaa in Ukraine ay awood u yeelato in ay samayso waxa ay rabto in ay samayso,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id kaddib kulan uu la qaatay Xoghayaha NATO Mark Rutte oo ka dhacay magaalada Washington.
Rutte ayaa xaqiijiyay in Mareykanku go’aansaday in si ballaaran hub loogu gudbiyo Ukraine iyada oo loo marayo NATO, isla markaana dalalka Yurub ay bixin doonaan kharashka ku baxaya.
Wuxuu Trump sheegay in waddamada Yurub ay Kyiv u diri doonaan nidaamyada difaaca cirka ee Patriot, kuwaas oo Ukraine ku tiirsan tahay si ay uga hortagto weerarada cirka ee Ruushka, kadibna Mareykanka ayaa u beddeli doona hubkaas.
Inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin noocyada hubka la dirayo, Rutte wuxuu sheegay in heshiiska ku jiraa ay ka mid yihiin gantaallo iyo rasaas.
Trump wuxuu intaas ku daray in hub casri ah oo malaayiin dollar ah si deg deg ah loogu diri doono furimaha dagaalka si loo taageero Ukraine.

Rutte, isagoo Trump dhinac fadhiya, ayaa yiri:
“Haddii aan maanta ahaan lahaa Vladimir Putin, waxaan dib u eegi lahaa mowqifkayga ku aaddan wadahadallada Ukraine. Waxaa laga yaabaa in aan u qaato si ka dhab badan.”
Canshuurta tariifada:
Trump wuxuu sheegay in Mareykanku saari doono 100% canshuur tariifada labaad oo la beegsanayo dhammaan waddamada wali ganacsi la leh Ruushka haddii aan heshiis nabadeed lala gaarin 50 maalmood gudahood.
Tani waxay la micno tahay in waddan kasta oo Ruushka la ganacsada uu la kulmi doono canshuurtaas haddii uu doonayo in alaabtiisa loo iibiyo Mareykanka.
Tusaale ahaan, haddii Hindiya ay sii iibsato saliidda Ruushka, shirkadaha Mareykanka ee iibsada alaabta Hindiya laga keeno ayaa laga qaadi doonaa 100% canshuur dekedda ah, taas oo ka dhigi karta alaabtaas mid aad qaali u ah, kana hor istaagi karta suuqa Mareykanka.
Ujeeddadu waa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Ruushka – haddii uu Ruushku waayo suuqii uu ka heli jiray lacag saliidda uu iibiyo, wuxuu sidoo kale waayi doonaa il dhaqaale oo uu dagaalka Ukraine ku wado.
Dhaqaalaha Ruushka ku tiirsan saliidda iyo gaaska oo ah in ka badan 60% dhoofintiisa iyo ku dhowaad saddex-meelood meel dakhliga dowladda, cunaqabateyntani waxay noqon kartaa mid saamayn xooggan leh.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo la filayey in suuqyada Ruushka ay dhacaaan, Moscow Stock Exchange ayaa kor u kacay kadib markii la shaaciyay warkan, maadaama maal-gashadayaashu ay filayeen in Trump uu qaadi doono tallaabooyin ka sii adag.
Xaaladda Siyaasadeed iyo Dagaalka Ukraine:
Isagoo markiisii ugu horreysay tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad ka hadlay arrimaha Ukraine, Trump wuxuu muujiyay taageero cusub oo ciidan, inkasta oo faahfaahin kooban laga bixiyay.
Waxaa sidoo kale la dareemay in hadalladiisa ku wajahan Vladimir Putin ay noqdeen kuwa sii adkaanaya, isagoo sheegay in uu ku hungoobay wadahadallo badan oo “wanaagsan” oo uu la yeeshay hogaamiyaha Ruushka kuwaasoo hadhow la raaciyay duqeymo cirka ah oo Ukraine lagu qaaday.
Trump wuxuu yiri:
“Marka ay sidan ku dhacdo saddex ama afar jeer, waxaad dhahdaa: wadahadalku wax micno ah ma leh. Ma doonayo in aan ugu yeero [Putin] gacan-ku-dhiigle, laakiin waa nin adag. Wuxuu sanado badan ku khiyaamay dad badan – Clinton, Bush, Obama, Biden. Aniga iima uusan khiyaamin. Ugu dambeyntii, hadalku waxba ma taro, ficil baa la rabaa.”
Heshiisyadii xabbad-joojinta ee u dambeeyay ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka ayaa dhacay horaantii sanadkan, balse kulan dambe oo rasmi ah lama qorsheynin ilaa hadda, arrintaas oo Ruushku dusha ka saaray Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Zelensky wuxuu hadda marti geliyay wakiilka Mareykanka Keith Kellogg oo booqasho ku jooga Kyiv, isagoo sheegay in ay yeesheen kulan wax tar leh wuxuuna u mahadceliyay Trump taageeradiisa.
Kremlinka weli si rasmi ah uma aysan ka hadlin warka cusub, balse falcelinta hordhaca ah ee laga helay Moscow waxay muujinaysaa dareen nasasho leh.
Sergei Markov, oo ah taageere Kremlin ah iyo la-taliye hore oo Putin u shaqayn jiray, wuxuu ku tilmaamay hadalka Trump ee cunaqabateynta:
“Been abuur”, wuxuuna sheegay in arrintu muujinayso in Trump uu ka haray dadaalkii uu ku doonayey in uu nabad ka dhaliyo Ukraine.

