SO | EN

SO | EN

Trump iyo Zelensky oo ku kulmay aqalka cad

|

Washington (KAAB TV) – Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in ay socoto howl ku saabsan dammaanad qaadka dhanka ammaanka ee Ukraine ka dib kulankii Isniintii uu la yeeshay madaxweyne Trump.

Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay kulankaas, waxaana Mr Zelensky uu intaa ku daray in wadahadalada u dhaxeeya ay sii socon doonaan maanta, iyadoo la taliyayaasha amniga qaranka ay horay u wada xiriireen.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu qabanqaabiyo kulan dhexmara madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, oo uu ku xigo shir madaxeed saddex geesood ah.

Reer Yurub waxay taxadar aad ah ka muujiyeen horumarka arintaas. Kulankii Isniintii ka dhacay Aqalka Cad, waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo xabbad-joojin iyo dammaanad amni oo adag.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News