SO | EN

SO | EN

Trump oo balanqaaday in uu taageero kala joogsi leheen siinayo maamulak Isra

|

New York (KAAB TV) ) – Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday taageero aan kala go’ lahayn oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe.

Sidoo kale, Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden.

“Maanta ayaan fasaxnay, Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.” ayuu yiri Trump.

Dhanka kale, duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur lixaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan.

Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.”

Ugudambeyntii, Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News