SO | EN

SO | EN

Trump oo ka laabtay go’aan uu horey ugu dhawaaqay

|

New York (KAAB TV) – Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor sii horeysay sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka.

Sidoo kale, Arrintaasi ayaa sababtay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in laba diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Dhanka kale, Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari, arrintaas oo uu ku sheegay mid sumcad dil ku ah dadkiisa.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn.

Ugudambeyntii, dowladda Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si wannaagsan , iyadoona intaa ku dartay in ay soo dhaweenayaan dib usoo celinta muwaadiniintooda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News