New York (Kaab TV) -Garsoore ayaa amray in Donald Trump lagu xukumo 10-ka Janaayo kiiska bixinta lacagta xog qarinta ee New York wax ka yar laba toddobaad ka hor inta aan loo dhaarin xilka madaxweynaha.
Xaakimka New York Juan Merchan ayaa ka dhawaajiyay inuusan Trump ku xukumi doonin xabsi ama ganaax, balse taa beddelkeeda uu siin doono “ka bixitaan shuruud la’aan ah”, wuxuuna amarkiisa ku qoray in madaxweynaha la doortay uu shaqsi ahaan ama si toos ah uga soo muuqan karo dhageysiga.
Trump ayaa isku dayay inuu u adeegsado guushiisa doorashada madaxtinimo si kiiska isaga ka dhanka ah meesha looga saaro.
Kooxdiisu waxay dhaleeceeyeen go’aanka garsooraha ee ah in la sii wado xukunka waxayna yiraahdeen “sharci-darrada” kiiskan waa in “si degdeg ah” loo joojiyo.
Trump ayaa bishii May lagu helay 34-dambi oo la xiriira been abuurka diiwaannada ganacsi ee la xiriira lacag dhan $130,000 oo uu siiyay Stormy Daniels.
Eedeymaha la xiriira isku dayga lagu doonayo in lagu qariyo lacagihii uu u soo celin lahaa qareenkiisii hore, Michael Cohen, kaas oo maalmihii u dambeeyay ee ololaha doorashadii 2016 siiyay haweeneydan sababo la xiriira in ay ka aamusto kulan galmo ah oo lagu eedeeyay Trump.
Madaxweynaha la doortay ayaa dafiray wax kasta oo khalad ah oo lagu eedeeyay, waxaana uu sheegay in uusan wax dambi ah gelin, isaga oo ku dooday in arrintan ay tahay isku day uu ku doonayay in lagu waxyeeleeyo ololihiisa doorashada 2024-ka sida uu sheegay.
Jimcihii, afhayeenka Trump ayaa dhaleeceeyay amarka xukunka ee uu riday garsoore Merchan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay ” ugaarsiga sixirka”.
“Madaxweyne Trump waa in loo oggolaadaa inuu sii wado geeddi-socodka ku-meel-gaarka ah ee madaxtinimo iyo inuu fuliyo waajibaadka muhiimka ah ee madaxtinnimada, iyada oo aan la carqaladeynin,” ayuu yiri Steven Cheung.
“Waa in aan la xukumin, madaxweyne Trump-na waxa uu sii wadi doonaa dagaalka ka dhanka ah been-abuurkan ilaa ay ka wada dhamaadaan.”