SO | EN

SO | EN

Trump oo sabab unoqonaya in dalalka reer Yurub xaalku kusii xumaado xiligaan

|

Paris (KAAB TV) – Madaxda reer Yurub ayaa yeeshay wada-hadal deg deg ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Paris ee xarunta Faransiiska iyaga oo ku baaqay in sare loo qaado kharashaadka difaaca si kor loogu qaado awooda difaaca ee qaaradda.

Sidoo kale, waddamada reer Yurub hoggaankood ayaa waxay ku kala qaybsameen suurta galnimada in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Ukraine si ay u taageeraan heshiis kasta oo nabadeed.

Yurub, waxay u muuqataa inay dhexda u gashay marxalad aysan horey u xisaabin, oo ka dhalanaysa inuu Mareykanka ka baxayo garabkooda, waana hadal aadan sugeyn inad maqasho, waa Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer oo u muuqda inuu ‘laabta’ u dejinayo reer Yurub, kaddib markii uu shalay yiri.

“Kulankii aan rasmiga ahayn ee shalay ee hoggaamiyayaasha Yurub ayaa ahaa talaabadii ugu horreysay ee muhim ah oo looga jawaabayo caqabadaas dhanka difaaca, way caddahay in Maraykanku aanu ka bixi doonin NATO,” balse hadalkiisa ayuu sii raaciyay in Yurub looga baahanyahay inay qabato shaqo badan oo ay ku gaari karto inay isku filnaato

Trump iyo maamulkiisa oo uu ku jiro maalqabeenka waxa dhacaya saameynta ku leh ee Elon Musk, waxay ka caraysan yihiin lacagta badan ee Mareykanka uga baxaysa difaaca Yurub, illaa dalalka Yurub qaarkood ay iska iloobeen dhismaha milateriga iyo inay miisaaniiyadooda difaaca horumariyaan, taas beddelkeeda reer Yurub waxay lacag badan ku bixinayaan waxyaabo Trump iyo kooxdiisa ay u arkaan inan loo baahneyn.

Waa lacagta badan ee ku baxda qaxootiga soogalootiga ah ee Yurub qaabisho oo muslimiin u badan, tan oo ay ka soo horjeedaan, midda xigta waa lacagta badan ee ku baxda taageerrada kuwa beddela jinsigooda.

Sikastaba, Trump iyo kooxdiisa uu ugu horreeyo Elon Musk, ay doonayaan inay hoggaanka dalalka Yurub ku taageerraan xisbiyada midigta fog ee soogalootiga iyo kooxaha jinsigooda beddela kasoo horjeeda, iyagoo u arkaya inay tahay wax muhiim ah badbaada qiyamka bulshada caddaanka ee ku dhimanaya Yurub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News