SO | EN

SO | EN

Trump oo shaaca ka qaaday in dadka darbi jiifka ah laga saaraayo magaalooyinka dalkaas

|

Washington (KAAB TV) – Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in uu magaalada kasaaro dadka hoy la’aanta ah ama darbijiifka ah magaalada Washington isla markaana uu xiro kuwa dambiyada galay.

Trump ayaa soo dhigtay bartiisa bulshada sawirro muujinaya teendhooyin iyo qashin, Trump wuxuu sheegay in dadka hoy la’aanta ah “loo wareejin doono meel ka fog caasimadda” si looga dhigo “goob ammaan ah oo qurux badan.”

Sidoo kale, Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Aqalka Cad uu soo jeedinayo in ilaa kun askari oo ilaalada qaranka ka mid ah loo diro magaalada, inkastoo oo duqa magaalada, Muriel Bowser, ay ku adkaysanayso in dambiyada rabshaduhu sababeen ay hadda marayaan heerkii ugu hooseeyay muddo 30 sano ah.

Sikastaba, Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey in dadka hoy la’aanta ah laga yaabo in loo raro xarumo xiran oo la mid ah kuwa lagu hayo muhaajiriinta. Mr. Trump ayaa la filayaa inuu qabto shir jaraa’id oo ku saabsan arrintan Isniinta maanta ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News