New York (KAAB TV) – Madaxweynaha markale dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isbeddelkii ugu weyn ee siyaasadda Mareykanka uu ku wajahnaa Bariga Dhexe muddo tobanaan sano ah, waxa uuna xusay in Maraykanku uu doonayo in uu la wareego Marinka Gaza.
Sidoo kale, Trump ayaa laba jibaaray soo jeedinta lagu doonayo in dib u dajin loogu sameeyo guud ahaan shacabka reer Falastiin ee Gaza dalalka Masar, Urdun iyo dalal kale.