WASHINGTON (Kaab TV) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu burburinayo wadahadallada nabadda, kaddib markii madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Kyiv aysan aqoonsan doonin maamulka Ruushka ee gobolka Crimea.
Trump, oo isticmaalaya barta bulshada, ayaa sheegay in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka uu ahaa “mid aad u dhow,” laakiin diidmada Zelensky ee ah in uu aqbalo shuruudaha Mareykanka ay “sii dheerayn doonto” khilaafka.
Ukraine ayaa muddo dheer ku celcelinaysay in aysan ku wareejin doonin Crimea, oo ah jasiirad ku taalla koonfurta dalkaas oo si sharci darro ah uu maamulka Putin ula wareegay sanadkii 2014-kii.
Mar sii horeysay, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in heshiis nabadeed uu la macno yahay in Ukraine iyo Ruushkuba “ay labaduba ka tanaasulaan qayb ka mid ah dhulka ay hadda haystaan.”
Maraykanku weli si cad uma shaacin heshiisyada juqraafiga ah ee la samayn doono. Markii saxafiyiinta Aqalka Cad ay weydiiyeen in maamulku uu doonayo in uu aqoonsado madax-banaanida Ruushka ee Crimea, Trump waxa uu sheegay in uu kaliya doonayo in uu arko dagaalka oo la joojiyo.