Trump wuu ka badbaaday isku day dil

|

WASHINGTON, D.C. (Kaab TV) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si halhaleel leh loogala cararay hotel uu ku sugnaa kadib markii rasaas ay ka dhacday xafladda kulanka Aqalka Cad iyo Saxafiyiinta habeenkii Sabtida, Abriil 25, 2026, dhacdo ay saraakiishu ku tilmaameen isku day dil.

Rasaasta ayaa ka dhacday meel u dhow barta baaritaanka amniga ee hoteelka Washington Hilton, taasoo cabsi gelisay ku dhawaad 2,600 oo ka qeybgaleyaal ah, oo ay ku jiraan masuuliyiin sare, wariyeyaal iyo diblomaasiyiin.

Sida ay sheegeen saraakiishu, nin keli ah oo qori, bastoolad iyo midiyo badan watay ayaa isku dayay inuu jiiro ciidamada amniga, wuxuuna billaabay rasaas, taasoo haleeshay askari ka tirsan ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweyne Trump ee Secret Service.

Askarigaasi wuu badbaaday sida la sheegay maadaama uu xirnaa jaakad ka hortagta rasaasta, mana jirin masuuliyiin sare oo wax ku noqday.

Trump, xaaskiisa Melania Trump, madaxweyne ku-xigeenka JD Vance iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay, iyadoo ciidamada ammaanku ay go’doomiyeen dhaqdhaqaaqa goobta.

Kadib markii laga saaray goobta, Donald Trump ayaa faallo kooban ku qoray baraha bulshada ee Truth Social, isagoo sheegay in “ninkii weerarka geystay gacanta lagu dhigay.”

WAA KUMA NINKA WEERARKA FULIYAY?

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cole Thomas Allen, 31 jir ah, ayaa lagu qabtay goobta, waxaana hadda lagu hayaa xabsi iyadoo baaritaanno lagu wado sababta uu u geystay weerarka.

Saraakiishu waxay aaminsan yihiin inuu kaligiis falka fuliyay.

Xafladda sannadlaha ah oo ah mid weyn oo siyaasadeed iyo warbaahineed oo ka dhacda Washington ayaa isla markiiba la joojiyay, kadibna dib loo dhigay.

Trump ayaa markii dambe xaqiijiyay in dhammaan madaxda sare ay badbaadeen, wuxuuna ammaanay sida degdegga ah ee ay uga falceliyeen laamaha ammaanka, isagoo ku tilmaamay dhacdada mid naxdin leh isla markaana muujinaysa baahida loo qabo adkeynta amniga.

Dhacdadan ayaa mar kale sare u qaaday walaaca laga qabo ammaanka kulamada siyaasadeed ee heerka sare ah, gaar ahaan iyadoo horey loo bartilmaameedsaday Trump dhowr jeer sanadihii u dambeeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in eedeysanaha, Cole Thomas Allen, uusan horey ugu jirin diiwaannada hay’adaha amniga federaalka, balse baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan inuu qabay aragtiyo xagjirnimo iyo nacayb dowladeed.

Sida ay sheegtay CBS News, ninkan ayaa ahaa marti degan hoteelka Washington Hilton xilliga xafladdu socotay, wuxuuna watay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoryo iyo mindiyo.

Hay’adaha ammaanka ayaa hadda baaraya dhaqdhaqaaqiisa internet-ka, safarradiisa iyo xiriirradiisa si loo ogaado sababta rasmiga ah ee weerarka.

Illaa hadda lama xaqiijin wax xiriir ah oo uu la leeyahay kooxo abaabulan. Waxaa la filayaa inuu wajaho dacwado heer federaal oo culus.

Agaasimaha FBI, Kash Patel, ayaa sheegay: “Waxaan si qoto dheer u baari doonnaa taariikhda ninkan. Howshaas horey ayay u bilaabatay… waxaan si degdeg ah u falanqeyn doonnaa dhammaan caddeymaha si aan u ilaalinno ammaanka dalka.”

Rasaasta ayaa ka dhacday meel u dhow bar kontorool amni, taasoo keentay in ciidamada Secret Service ay si degdeg ah u xakameeyaan goobta. Hal askari ayaa dhaawacmay balse jaakadda rasaasta celisa ayaa badbaadisay. Trump iyo madaxda kale ayaa si degdeg ah loo daadgureeyay.

Weerarro hore oo lagu beegsaday Trump

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Trump la beegsado:

  • Luulyo 2024 – isku day dil oo ka dhacay Pennsylvania:
  • Intii lagu jiray olole doorasho, nin hubeysan ayaa rasaas furay, isagoo dhaawac fudud ka gaarsiiyay dhegta Trump, halka hal qof oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay uu dhintay. Weeraryahanka waxaa dilay ciidamada ammaanka.
  • 2024–2025 – hanjabaado iyo qorshayaal badan:
  • Hay’adaha Mareykanka ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshayaal badan iyo hanjabaado la xiriira weerarro lagu beegsanayay Trump, gaar ahaan xilligii doorashada. Intooda badan waxay ahaayeen shaqsiyaad kaligood ah.
  • Abriil 2026 – weerarka Washington (kan hadda):

Dhacdadan ayaa ah mid sii muujinaysa kororka halista, iyadoo ka dhacday munaasabad si heer sare ah loo ilaaliyo.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in tani ay ka tarjumeyso kororka weerarrada ay fuliyaan shaqsiyaad kaligood ah oo beegsada siyaasiyiinta Mareykanka. Inkasta oo ilaalinta adag ay badbaadisay madaxda sare, haddana soo noqnoqoshada dhacdooyinkan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan khataraha mustaqbalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News