ISTANBUL (Kaab TV) – Booliiska Turkiga ayaa masaafuriyey Maxamed Cabdimajiid Samatar, oo ah ary Soomaali ah oo dhigta jaamacadaha Turkey, kuna sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maxamed waa wiilka uu dhalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland.
Waxaa la xiray saddex maalin ka hor iyadoo lagu hayay saldhig boolis oo ku yaalla Istanbul, halkaas oo la sheegay in boolisku ay su’aallo ku weydiinayeen.
Ilo-wareedyo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa u sheegay Kaab TV in Maxamed Cabdimajiid Samatar la masaafuriyey islamarkaana uu haatan kusoo wajahanyahay Soomaaliya.
Qoyskiisu waxay sheegeen in aan wax eedeyn ah lagu soo oogin, ayna rumeysan yihiin in sababta kaliya ee masaafurintiisa ay tahay in uu kasoo jeedo Puntland.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan Puntland qabatay markab siday hub sharci-darro ah oo kasoo ambabaxay Turkiga kuna wajahnaa Muqdisho.
Markabka oo watay calanka jasiiradda Komoros ayaa haatan lagu hayaa dekedda Boosaaso.
Dowladda Turkey wax war ah kama soo saarin xarigga wiilkaan iyo musaafurintiisa midna.

