SO | EN

SO | EN

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada guud

|

Ankara (KAAB ) Maanta oo Axad dadwaynaha dalka Turky-ga ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Madaxwaynaha xukumi doona dalkaas sanadaha soo socda ,  taas oo isha lagu wada- hayo maanta.

60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay ka codeeyaan gudu ahaan magaalooyink dalka ka codeeyaan.

Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

4-Musharrax ayaa ku loolamaya kursiga Madaxweynaha Dalka Turkiga, musharrixiintu waxa ay gudbinayaan fariimo kala duwan oo ay ku dhiirrageliyaan taageerayaashooda si aanay uga niyad-jebin codbixinta.

Axsaabta Mucaaradka ayaa damacsan in ay mar uun dhinaca dhulka u dhigaan Xisbiga Talada Haya ee AK Parti oo 2016kii ka badbaaday isku day afgambi oo lagu sameeyay Xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News