Muqdisho (KAAB TV) – Turkiga iyo dowladda Mareykanka ayaa muujiyay murugo iyo cambaareyn ka dib weerar argagixiso oo ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen 37 qof, 63 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarka oo ay fuliyeen Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Jimcaha waxa ay ku qaadeen maqaayado caan ah oo ku yaalla xeebta Liido ee caasimadda Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku tidhi “Waxaan aad uga xunahay khasaaraha nafeed iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasaaraddu waxay si kulul u cambaareysay weerarkaas waxashnimada ah, waxayna tacsi u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyadoo ku nuuxnuuxsatay taageerada joogtada ah ee Turkigu uu ka geysanayo Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.
Sidoo kale safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaasi. “Waxaan u tacsiyeyneynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay, Mareykanka iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin dan guud oo ah horumarinta nabadda iyo barwaaqada waxaa naga go’an in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu jabinayo Al-Shabaab waa mid aan leexleexad lahayn.
Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ayaa noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe Aagga xeebta ayaa ahaa bartilmaameed joogto ah, iyadoo la go’doomiyay hoteel xeebta ku yaal 2023 lix saacadood iyo weeraro kale oo dhowr ah oo sababay khasaare badan.

