Kahrtuum (KAAB TV) – Suudaan ayaa soo dhaweysay dedaalada Turkiga uu ku joojinayo dagaalka 20 bilood socda, kaddib kulan ay magaalada Port Suudaan ku yeesheen taliyaha ciidanka Suudaan, Abdel Fattah al Burhan iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Turkiga, Burhanettin Duran markaa oo Al Burhan uu xaqiijiyay inay soo dhaweynayaan hindisaha madaxweynaha Turkiga ee lagu raadinayo joojinta dagaalka.
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Cali Yuusuf ayaa warbixin kooban ka soo saaray kulanka, ayaa yiri “Suudaan waxay u baahan tahay walaalo iyo saaxiibo sida Turkiga,” isagoo intaas ku daray “in hindisaha uu horseedi karo xaqiijinta nabadda Suudaan”.
Sidoo kal, bilowgii bishii December, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray taliyaha ciidanka Suudaan, Abdel Fattah al Burhan, markaa wuxuu u sheegay inuu Turkiga diyaar u yahay inuu billaabo wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka, xilligaa Erdogan wuxuu tilmaamay in hindisaha uu yahay in marka hore xal loo helo khilaafka militariga Suudaan iyo Imaaraadka Carabta, si meesha looga saaro nooc kasta oo faragelin dibadda ah.
Kaddib wada-hadalkaa, toddobaadkii hore warsaxaafadeed ka soo baxay Imaaraadka Carabta ,waxaa ay Abu Dhabi dhankeeda xaqiijisay inay soo dhaweynayso dadaallada diblomaasiyadeed ee Turkiga uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisada ka taagan Suudaan.