Turkiga oo joojiyay fiisihii ay ku gali jireen shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee wata baasaboorka adeegga.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Turkiga ayaa joojisay fiisihii ay siin jirtay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka adeegga, laga bilaabo 18-ka Luulyo, 2024, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay.

Xamza Aadan Hadow Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa shaaca ka qaaday go’aankaasi, isagoo soo qaatay warqad ka soo baxday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Dukumentigan oo ku taariikhaysnaa July 15, 2024, waxa uu u dhignaa sidan: “Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waxa lagu wargelinayaa in safaaradda Turkigu joojisay bixinta fiisaha dalxiiska ee dadka sita baasaboorka adeegga, laga bilaabo 18.07.2024. Haddaba iyadoo la tixgalinayo kastamka Dublamaasiyadeed dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda waxa la ogaysiinayaa isbeddelkan waxaana laga filayaa inay ku wargeliyaan shaqaalahooda.”

Xamza Aadan Hadow ayaa ku nuux nuuxsaday in isbedelku uu u baahan yahay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah ugu wargeliyaan shaqaalahooda si waafaqsan hab-maamuuska diblomaasiyadeed.

Inkastoo Turkiga uu Soomaaliya taageero muddo dheer soo jiray, haddana muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmayay dhibaatooyin badan oo ku saabsan helida fiisaha dalxiiska waxbarashada iyo caafimaadka ee safaaradda Turkiga.

In kasta oo sababaha dhabta ah ee diidmada fiisaha aanay weli caddayn haddana ilo xog-ogaal ahi waxay soo jeedinayaan inay la xiriidho arrimaha socdaalka Shaqsiyaad ka soo jeeda qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa la sheegay in Turkiga ay u adeegsan jireen marinka Yurub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News