SO | EN

SO | EN

Turkiga oo ka hadlay diyaaradaha dhawaan ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka

|

Muqdisho (KAAB TV) -Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ka hadlay taageerada hubka iyo diyaaradaha isugu jira ee ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixin uu qoray Wargeyska Bloomberg ayaa lagu sheegay in Turkiga fulinayo heshiiska difaaca ee mudada 10 sano uu la saxiixday Dowladda Federaalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin dagaalka AS iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada ciidanka qalabka sida.

Gudaha dalka waxaa ku sugan ciidamo gaar ah oo qeyb ka qaata tababarada iyo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa muddo sanado ah kaalin muuqata ka qaadanayay dib-u-dhiska hay’adaha amniga ee Soomaaliya, iyagoo tababarro siiya ciidanka militariga iyo booliska, waxaana Taliska Turksom ee Muqdisho ku xareysan ciidan badan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News