Ankara (KAAB TV) – Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT, ayaa markii ugu horreysay taariikhda soo jeedisay in magaalooyinka waa weyn ee Turkiga laga dhiso goobo gabbaad ah oo ay dadka rayidka gali karaan haddii weerarro uu la kulmo Turkiga.
Sidoo kale, Turkiga ayaa cabsi badan ka qaba in uu la kulmi karo weeraro iyo dagaal xilli kasta uga yimaada cadawgiisa, oo ugu horreeyaan Israa’iil oo rabta in meesha ka saarto awooda dalalka Muslimiinta uu Turkiga ugu horreeyo.
Dhanka kale, Sirdoonka Turkiga ayaa soo jeediyay in la diyaariyo nidaamyo horumarsan ee digniinta waqtiga hore, si dadweynaha loogu wargeliyo khatarta amniga, kuwaasoo lamid ah seeriga dhawaaqa marka weerarrada ay socdaan.
Sikastaba, Turkiga ayaa isku diyaarinaya suragalnimada khatar ammni iyo inuu ku lug yeesho xaalad ku soo jiidi karta dagaal, waana mida hadda keentay in Turkiga xaalad kasta usii diyaar garoobaan sida uu sheegay telefishinka Turkiga ee NTV.

