Ankara (Kaab TV) –Afar Wariye oo kurdish ah ayaa maanta kasoo muuqday maxkamad kutaala Turkiga kuwaas oo lagu soo edeeyay in ay xiriir la leeyihiin xisbiga shaqaalaha kurdistan (PKK) Kaas oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga.
Beritan Canozer oo u shaqeeya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa xabsiga la dhigay Talaadadii kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada boliska dalka Turkiga kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay 128 qof.
Maxkamadda dastuuriga ah ayaa amartay in la xayiro xisbigaas oo lagu eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay ururka PKK balse xisbiga PKK ayaa beeniyey eedayntaas.
Xarigaan ayaa ku soo aa daayo iyadoo maalmo kadib ey dhici doonto doorashada Baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo dhacaysa bisha May 14-keeda taas oo loo Arko in ay tahay doorashadii ugu adkeyd ee uu wajaho madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Ilo dhinaca amniga oo Turki ah ayaa usheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in loo haysto arrimo laxidhiidha ururka PKK in ay ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha iyo fidinta dacaayadaha Turkiga ayaa ururkan u arko urur argagixiso.
Hay’ado caalami ah oo kala duwan oo u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka oo ay kamid Yihiin Freedom House, International Press Institute iyo PEN International ayaa Turkiga ugu baaqay in ay joo jiyaan cagajuglaynta baahsan ee kuhayaan Saxafiyiinta Kudishta ah hay’adohooda warbaahineed iyo qareenada difaacaya in fursad loo siiyo Xisbiga Kurdiyiinta ah lana soo bandhigo dhamaan eedaha loo haysto.